Dabaaldega MayDay ee 2022 way ka duwanaan doontaa MayDay yada sanadihii loosoo maray! Ma jiri doono mahrajaan (ban-bax). Waxaa jiri doona debaaldeg cajiib ah oo dhaqanka iyo siyaasada la xariira oo lagu qabanaayo xaflad wadajir ah.

Dabaaldegu wuxuu dhici doonaa Maayo 1, 2022 laga bilaabo 1 ilaa 4 galabnimo wuxuuna ka dhici doonaa Four Directions Family Center Parking lot, 1527 E. Lake St., Minneapolis, MN.

Heart of the Beast (HOBT) iyo Gudigeena MayDay ayaa la shaqaynaaya sadex kamid ah ururada cajiibka ah ee maxaliga ah si loo qorsheeyo dabaaldegyada MayDay ee sanadkaan.

MayDay Season 2022 waxaa hogaaminaaya Dugsiga Sare ee Roosevelt, MIGIZI, iyo Kalpulli KetzalCoatlicue.

Iskaashatadeena bulshada ayaa iskaashi dheeraad ah la samaynaayay ururada maxaliga ah ee intay wadeen hawshooda qorshaynta. Tusaale ahaan, waxay la shaqaynayaan abaabuleyaasha ka socda MIRAC (Isbahaysiga Xaquuqaha Soo Galootiga ah ee MN) waxayna soo dhawaynayaan dhalinta ka socota El Colegio si loo abuuro farshaxanka dabaaldegyada MayDay.

Mahadi haka gaartee deeq bixiyaasheena HOBT ayaa maal gelinaaya dabaaldegyada MayDay.  Sawirada Boorka waxaa sameeyay: Xubin kamid ah MIRAC, Mari Mansfield

Waxaan sugi la'nahay inaan dhammaantiin idin soo dhawayno!
mayday somali version (1)

Waxa la Filan karo

Kalpulli KetzalCoatlicue ayaa qabanaysa dabaaldega siyaasada iyo dhaqanka ayadoo taageero ka helaysa Isbahaysiga Xaquuqda Soo Galootiga Minnesota (Minnesota Immigrant Rights Action Coalition (MIRAC). Xafladu waa dabaaldega Maalinta Caalamiga ah ee Shaqaalaha ayadoo muhiimada la siinaayo xaquuqaha shaqaalaha.

Medicine Woman Mojiganga, oo ah boonbale dhaqameed Mexican ah, ayaa soo dhawaynaaya dadka xaflada kasoo qaybgalaaya. Masraxa waxaa lagu qaban doonaa khudbadaha ay jeediyaan dadka u dhaqdhaqaaqa bulshada. Dabaaldegyada waxaa ku jiri doona bandhigyo ay samaynayaan dheelayaasha Ketzalcoatlicue Aztec iyo gabyayaasha maxaliga ah. Waxaa jiri doona mashruucyada farshaxanka ee carruurta iyo kurayda iyo ciyaaraha carruurta da'aha 1-10. Dhammaan waxaa lagu boorinayaa inay cunto ka cunaan mid kamid ah maqaayadaha badan ama gaariyaasha cuntada ee taagan aaga Lake Street.

Xafladu waxay noqon doontaa goob lagu banaan baxo, lagu dabaaldego, lana isku daaweeyo. Heart of the Beast, Gudigga MayDay, iyo iskaashatada bulshadu waxay aad u sugayaan inay idin kusoo dhaweeyaan dabaaldega siyaasada iyo dhaqanka oo la qabanaayo Maayo 1!

Xogta gelitaanka: masraxa iyo dabaaldega ayaa toos loo tabin doonaa ayadoo qoraal la socdo. Waxaa joogi doona turjumaannada ASL si ay u turjumaan khudbadaha masraxa laga jeediyo. Waxaa jiri doona musqulaha la qaado oo ka heli karo. Waxaa jiri doona sameecadaha yaryar ee bilaashka ah iyo maaskaro bilaash ah. Xog dheeraad ah oo gelitaanka la xariirta ayaa soo baxaysa!

HOBT NEW EXPORT (183 of 251)
HOBT NEW EXPORT (235 of 251)

Qorshaynta Hawsha Gudaha

Kalpulli KetzalCoatlicue waxay ku mashquulsanayd isku xirka shabakad balaaran oo ka kooban ururada maxaliga ah, farshaxaniistayaasha iyo dhalin yarada ka qaybgalaysa Qorshaynta MayDay. Tusaale, waxay la xariireen ardayda dugsiga sare ee El Colegio ayagoo siiyay tababarka abuurista farshaxanka halkaasoo carruurtu ay ku sameeyeen Alebrijes (oo ah naqshad farshaxan oo lagasoo minguuriyay Oaxaca, Mexico).

Kalpulli KetzalCoatlicue aya sidoo kle abbaabushay tababar lagu dhisaayo boonbale loogu talagalay qoysaska Isbaanishka ah oo uu hogaaminaayo macalinka farshaxanka Gustavo Boada, oo ah xirfadle dhisa boonbalada kaasoo u sameeyay kuwo qurux badan dabaaldegyadii hore ee MayDay yada. Raadi farshaxannadaan marka la gaaro xaflada May 1!

Qorshaynta MayDay ee dhalintu hogaaminayso oo lagu sameeyay dugsiga Sare ee MIGIZI iyo Roosevelt ayaa socda. MIGIZI ayaa qabanaayay shaqada dhisida boonbeleyaasha asbuuc kasta dugsiga kadib oo la baraayay carruurta waxayna qorshaynayaan inay soo bandhigaan boonbale wayn marka la gaaro Xaflada Maayo 1. Koox arday ah oo dhigata fasalka fanka iyo xeerka ee Dugsiga sare ee Roosevelt ayaa abuuraaya xirfadaha qorshaynta munaasabadaha bulshada ayagoo abaabulaaya dabaaldegooda gaarka ah ee MayDay oo ay qabsanayaan maalmo u gaar ah.

Iskaashatadeena

KALPULLI KETZALCOATLICUE waa bulsho isku dhafan oo waxbarasho kana kooban dadka asaliyiinta ah kuwaasoo ay midaysay hamiga barashada, wadaagista iyo ku noolaanshaha dhaqanka ciyaarta Aztec. Si aad u hesho xog dheeraad ah guji HALKAAN

DUGSIGA SARE EE ROOSEVELT wuxuu siinaaya goob taageero leh carruurta si ay uga qaybgalaan casharada aqoonta qaniga ku ah, koorsooyinka farsamada adag, iyo fursadaha farshaxanka qaaska ah. Si aad u hesho xog dheeraad ah guji HALKAAN

Yoolka MIGIZI waa inuu mareeg adag oo taageero baxnshaa taasoo kobcinaysa kobaca aqoonta, bulshada, dhaqaalaha, iyo dhaqanka ee dhalinta Hindida Maraykanka. Si aad u hesho xog dheeraad ah guji HALKAAN

Xog badan ka baro

Si aad Wax badan uga ogaato Gudiggeena MayDay guji HALKAAN

Su'aalo ma ka qabtaa MayDay sanadka 2022? Iimeelka: [email protected]