Fasalada Foolka-foolka ah

Taariikhaha: Febraayo 12, Febraayo 19, Febraayo 26

Saacada: 11 duhurnmimo - 12:30 duhurnimo

Goobta: The Avalon Theater, 1500 E. Lake St.

Farshaxanada Sofía Padilla iyo Davey Steinman ayaa si foolka-fool ah sadex aqoon iswaydaarsi bari doona. Waxay ku hagi doonaan ardayda inay muujiyaan oo ay ka wada hadlaan sida ay uga hadlaan isbadalka farshaxankooda. Sofia iyo Davey waxay bari doonaan kasoo qayb galayaasha sida ay u dhisi karaan hadh caruusad iyada oo isticmaalaya alaabta la heli karo, sawiro ku sawiran kartoono waawayn oo ciid leh, iyo isku darka hadhka caruusadaha, sawirka ciida, iyo hadh bilaa aadan oo loogu talo geley caruusada wax soo bandhigay oo ka hadlaysa isbadalka cimilada. Hoos u soco si aad ugu aragto sharaxa aqoon is waydaarsiga hoos! Dhamaan ka qayb galka u dhaxeea bilaw ilaa khabiir da'da kasta way kasoo qayb geli karaan. Caruurta waa inuu la joogaa qof wayn ka caawiya nidaamka.

IMG_0875

Sharaxa Sawirka: Sawirka qofka, ee aqoon is waydaarsiga caruusadaha Paradox Teatro ee hore, qol madaw lagu qabtay ciid sanduuq lagu shiday laydh oo sawirkooda la muujiyay oo laga dhigay qof oo kale.

Macluumaadka Gelitaanka

Wajigashadka aad ayaa la iskugu dhiiri gelinayaa marka laga qayb galinayo aqoon iswaydaarsigan. Waxaa naga go'an in aanu helno agabka isticmaalka farshaxanka si markaa dadka awoodaha kala duwan ay uga qayb geli karaan. Aqoon iswaydaarsiga foolka-foolka ah waxa uu yeelan doonaa meel kuri cuuryaanka iyo aaladaha dhaqdhaqaaqu ay kasoo galaan. Munaasabada foolka-foolka ah waxay laga heli karaa ASL iyo turjubaada luuqad amarka la dalbado.

Gaadiidka:

Baarkin ayaa laga heleyaa jidadka ku xeeran tiyaatarka. Baarkin la iska bixinayo ayaa ku yaal Lake St oo baarkin bilaash ah ayaa ku yaal 15th Ave. Martida isticmaalaysa gaadiidka dadwaynaha, tiyaatarku waxa uu ku yaalaa jidhak uu maro baska 21 ee Lake St E & 14th Ave S.

Taariikhda Farshaxanka

18-07-05 mxfotos.com-1-118 copy

Sharaxa Sawirka: Sawirka Sofia (bidix) iyo Davey (midig), oo haya caruusadood, Ruben, oo tagaan badhtanka. Caruusadu waa bilaa aadan dhukuran, oo bandhigyo kala duwan ka muuqaan, xidhan shaadh xariijimo leh oo sawir iskaga qaadaya kameero.

Paradox Teatro waxaa weeye shirkad bandhig caruusado samaysa oo uu sameeyay 2017 Farshaxaniiste Wada Maamule Sofía Padilla & Davey T. Steinman oo shaqadeedu tahay inay abuurto bandhigyo loogu talo geley bulshooyinka ay haysato caqabadaha luuqada iyo dhaqanada. Waxay ku sameeyeen bandhigyo ay ku wareegeen Yurub, Maraykanka iyo Meksiko, oo waxay u dhigaan farshaxanka dadka degan Vermont ilaa Oaxaca. Shaqada cajiibka ah ee Paradox Teatro waxay ka shaqaysaa ka jawaabida mushkilada dhaqanka iyaga oo ku dara waxyeebo shakhsi ahaaneed oo leh soo jiidasho barnaamijka caalamka la xidhiidha.

Waxay qaateen lacagta mashruuca Production Grants (2019 iyo 2022) iyo mid kami dah Workshop Grant (2021) ee ay bixiso Jim Henson Foundation. Shirkadu waxay weli sii waday soo saarida waxyeebaha ikhtiraaca ah intii lagu jiray safmarka korona fayras iyada oo aysoleeshinka ku dhigi jiray aqoon iswaydaarsiyo caruusadaha ah oo onleynka ah, oo waxay samayn jirtay filimaan gaagaaban oo laga soo qaatay shaqooyinkooda caruusadaha tooska ah, oo waxay si onleyn ah oo bilaash ah ugu qaybin jireen HALKAN

Macluumaadka Fasalka

Aqoon iswaydaarsi #1    Febaayo. 12

"Samaynta Hadhka Caruusada Wadajir iyo Mechs"

Aqoon is waydaarsigu waxa uu kugu hagi doonaa sida loo dhiso hadhka caruusadaha iyada oo la wareejinayo oo la riixayo kala qoysyada si loo wado oo loo muujiyo waxyaabaha sida khadka kaluumaysiga, cuntada iyo iftiinka. Waxay u samayn doonaan caruusadaheena dhanka Cadaalada Cimilada iyada oo la iska waydiin doono oo la isla eegi doono si markaa farshaxankeenu ay uga hadli karaan isbedelka.

Aqoon iswaydaarsi #2    Febaayo. 19

“Eegitaanka Sawirka Ciida iyo Silhouettes”

Aqoon is waydaarsi hordhac ah oo lagu eegayo ciida oo ah alaab wax lagu sawiro sanduuqa laydhka iyo la falgakeeda silhouettes bilaa aadanka. Waxay u samayn doonaan sawiro dhanka Cadaalada Cimilada iyada oo la iska waydiin doono oo la isla eegi doono si markaa farshaxankeenu ay uga hadli karaan isbedelka.

Aqoon iswaydaarsi #3    Febaayo. 26

"Isku Darka Hadhadhka Caruusadaha, Sawirka Ciida iyo silhouettes ee Bandhig Toos ah"

Aqoon iswaydaarsigan waxaa diirada lagu saari doonaa sida wax looga bedeli karo oo la iskugu dari karo hadhadhka caruusadaha, sawirada ciida iyo silhouettes bilaa aadanka wakhtiga bandhiga tooska ah. Ka qayb gale kastaa ama koox kasta oo ka qayb gale ah waxay nashqadayn doonaan inta bandhigu socdo oo waxay eegi doonaan farsamooyin kala duwan oo qorshaha ah, waxay abuuri doonaan muuqaal fudud oo 1 daqiiqo ah oo bandhig ah, oo ay ku soo bandhigaan bandhig muusig oo toos ah Paradox Teatro. Waxay u samayn doonaan muuqaalo dhanka Cadaalada Cimilada iyada oo la iska waydiin doono oo la isla eegi doono si markaa farshaxankeenu ay uga hadli karaan isbedelka.