Aqoon Iswaydaarsiga Oonlaynka ah ee Art Shaping Change

Macluumaad Guud

Aqoon Iswaydaarsiga Art Shaping Change Heart of the Beast waxaa weeye fasalo soo noqnoqda oo sanadkii la qabto oo ay dhigaan dadka deegaanka ah oo leh ikhtiraaca baadhitaanka barnaamijka cadaalada bulshada.

Art Shaping Change 2023 waxa uu diirada saarayaa cadaalada cimilada. Sadex aqoon iswaydaarsi oo maqal iyo muuqaal ah oo gaar ah ayaa dhici doonaa Janaayoodan iyo Febraayoodan. Waxa taas kamid ah madalo isku darka baahinta maqal iyo muuqaalka ah ee farshaxanka oo ay qaban doonto Ifrah Mansour iyo Graci Horne. Waxa aad timaadaa inta tirada aad doonto ee aqoon is waydaarsi ee aad doonayso! Waxaa laguu soo diri doonaa link zoom marka wakhtiga munaasabadu ay soo dhawaato hadii aad is duwaan geliso.

Dhamaan aqoon is waydaarsiga waa bilaash oo dadka ayay u furan yihiin. Dhamaan ka qayb galka u dhaxeea bilaw ilaa khabiir da'da kasta way kasoo qayb geli karaan. Caruurta waa inuu la joogaa qof wayn ka caawiya aqoon is waydaarsiyada foolka-foolka ah iyo maqal iyo muuqaalka ah.

IG Post (59)

Fasalada Maqal iyo Muuqaalka ah - Ku Saabsan

"Time Capsule"

Taariikhaha: Janaayo 22, Janaayo 29, Febraayo 5

Saacada: 2 duhurnmimo - 3:30 galabnmo

Goobta: Onleyn (is duwaan geli si aad u hesho linkiga zoomka)

Graci Horne & Ifrah Mansour ayaa wada sameeyay aqoon is waydaarsigan txanaha ah ee onleynka ah. Aqoon is waydaarsiga waxaa lagu eegi doonaa dareemada, natiijooyinka & raadka iyada oo la adeegsanyo shayo gaar ah oo gurigaaga ah si loo sameeyo Memorabilia ah time-Capsule kuu gaar ah. Iyada oo la samaynayo farshaxanka, waxa aad eegi doontaa waxay la minco tahay in la noqdo awowoyaal oo waxa la eegi doonaa kaalinteeda wada jir iyo saamaynta ay ku leenahay mushkilada isbedelka cimilada.

Farshaxanada ayaa hagi doonaa eegitaanka su'aalaha sida:

Maxay ka dhigan in maalin la noqdo awowyaal?

Maxaynu dhaxalnay?

Maxaynu ka tegeynaa?

Inkasta oo ay jiraan su'aalo waawayn oo kicinaya dareenka farshaxanka oo loo baahanyahay in la eego iyo lagaga shaqeeyo su'aalahan bulsho dhaxdeed doonayso inay qabato shaqo bogsiin dhulkeena. Nagu soo biir!

Gelida

Munaasabada maqal iyo muuqaalka ah waxay yeelan doontaa qoraal hoose oo toos ah oo waxaa diyaar ah ASL iyo turjubaan luuqadeed oo la heli karo marka la dalbado. Si aad u dalbado ASL iyo turjubaada luuqada ama hadii aad qabto baahiyo kale oo gelitaan fadlan iimeel u dir [email protected]

Ifrah Mansour

Squares (9)

Sharaxa sawirka Sawirka Ifrah, dhoolacadaynaysa, oo wajigeedu u fooraro gacmaheeda oo ay isku dhajisay oo xidhan masar dahabi iyo madaw ah iyo maro madaw iyo cadaan ah, oo ku tiirsan meel buluug ah oo wayn.

Ifrah Mansour waxaa weeye Somaliyad, qaxooti, Muslim, farshaxan saxaafadeed iyo aqoonyahan ku sugan Minnesota. Farshaxankeeda waxaa lagu eegaa jahwareerka ay soo aragtay markii ay caruurta ahayd oo waxaa lagu muujiyaa adkaysi madaw, Muslim iyo qaxooti. Waxay ku toshaa gabay, buraanbur, filimaan iyo gelin. Waxay samaysay waxyeebaha ay kamid yihiin "How to Have Fun in a Civil War" play, “Can I touch it" gelisay, "Halima the puppet" gelisay, "I am a Refugee" gabayga "My aqal" ee taxanaha ah. Waxaa barnaamijyo ka sameeyay Middle East Eye, BBC, Vice, OkayAfrica, Star Tribune, iyo City Pages

Graci Horne

Squares (8)

Sharaxa Sawirka: Sawirka muuqaalka wajiga Graci, xaka hore. Graxi waxay xidhataa okoyaalayaal oo waxay garab taagan tahay wabiga iyo buuraha.

Hapistinna [fmagaca gabadh; gabadhii sadexaad oo ku dhalatay Dakotal] Graci Horne, waxay ka dhulatay oo ay ku kortay Mnisota [Minnesota]. Astaamaha ay leedahay waxaa kamid ah Sisseton Wahpeton Dakota people iyo Hunkpapa Lakota iyo Dakota people. Waa farshaxan xirfado badan, gaar ahaan sawir gacmeedka, daabacaada, samaynta buraanburka, sawirad qaadida, filimaanta, iyo gabayada. Waxya ka qaadatay shahaadada digriiga Culuumta Muslimka Jaamacada Farshaxanka Hindiga Maraykanka oo ku taala Santa Fe, NM. Shaqadeeda waxaa lagu sifeeyaa soo jiidashada dhulka iyo midabka biyaha oo badanaa waxay muujiyaan dhawaqa hoose ee dhaqanka Dakota iyo barnaamijyada bulshada. Gurigu waa Curiyaha Madaxa Banaan oo waxay si buuxda uga shaqaysaa aqoon iswaydaarsiga barista Farshaxanka Bulshada ee 5-100 jirada ah.